Dhul gariirkii Haiti
Svenska frivilligorganisationer insamlinglar till Haiti

Kumanyaal caawimaad wali sugaya.

Maalintii saddaxaad ayeey wali sugayaan gargaarka caalamka,dadkii ku dhaawacmey iyo kuwii ku waayay qaraabadooda  dhulgariirkii xoogga lahaa ee ruxay dalka Haiti.

Dhinaca kake ururada gargaarka ee dalkaan Iswiidhan ayeey ku soo qulquleeysaa qasnadahooda deeq lacageed oo ay dadku ugu tabarucayaan masiibada Haiti ka dhacday.

Laanqayrta Cas(Röda Korset) oo kaliya ayaa  heshay ilaa iyo maanta  oo jimca ah qiyaastii labo milyan iyo bar  kronor. Ururadaan gargaarka ayaa si wadajir ah u soo saarey qoraal ay ku codsanayaan in si deg deg ah loola soo gaaro dhaqaale, si ay ugu daboolaan baahida bani'aadminimo  ee ka taagan dalka Haiti.

Waxayna  filayaan in ay helaan dhaqaale faro badan isla markaana ay hawshooda si wanaagsan u fuliyaan, iyaga oo ku waayo aragnimo qaatey  masiibadii Tsunamin. Sidaas  waxaaa sheegey xoghayaha-guud ee guddiga ururada gargaarka Erik Zachrisson.

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".