Sverige prioriterar flyktingar från Eritrea

Soomaali la soo daadgureeyn doono

Heeyadda socdaalka ee dalkan Iswiidhen ayaa shaaca ka qaadday inay muhiimadda saari doonto qaxootiga Soomaalida iyo Eriteriyaanka, kolka ay Qaramada Midoobey ka wada xaajoon doonaan tirada qaxootiga ee la soo daadgureeyo, qaasatan kuwooda loo soo daadgureeyn doono dalkan Iswiidhen.

Qiyaastii qaxooti gaarsiisan 850 ayuu dalkani ku talo jiraa inuu ka soo qaado xeryo qaxooti ee ku yaala waddammada Keenya, Suudaan iyo Liibiya. Asbaabaha ugu waaweeyn ee go’aankaa ayey ka dambeeyeen xaaladda bani’aadminmo, qaasatan qaxootiga soomaaliyeed, sida uu sheegey agaasimaha guud ee heyadda socdaalka Dan Eliasson.

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".