Foto: Marc Femenia/Scanpix.
Birgitta Ohlsson (FP) som eu-minister

Birgitta Ohlsson (FP) oo wasiirka eu-da loo magacaabey

Birgitta Ohlsson (FP) oo iyadu ka tirsan xisbiga shacabka ee Folkparti-ga ayaa maanta oo talaada ah loo magacaabey wasiirka cusub ee dalkaan Iswiidhan u qaabilsanaan doonta  midoowga Yurub,sidaas waxaa shir jaraa'id oo uu maanta qabtey kaga dhawaaqey Reysal wasaaraha dalkaan Iswiidhan Fredrik Rienfeldt (M),waxaana isla goobtaas joogey hogaamiyaha xisbiga shacabka Folkparti-ga Jan Björklund (FP) iyo Birgitta Ohlsson (FP) oo iyada jagadaas loo magacabey.

Brigitta Ohlsson (FP) ayaa horey u aheeyd afhayeenka arrimaha dibbada ee xisbiga shacabka ee Folkparti-ga ,waxayna badali doontaa Cecilia Malmström (FP) oo iyadu jagadaas horey u heeysey.

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".