Foto: Anders Wiklund/Scanpix.
Utrikesdeklaration

Bayaan siyaasadda arrimmaha dibadda

Wada shaqeeyn wanaagsan oo dalkani la leeyahey xubnaha waddammada ururka EU-da, hagar la'aan hoowlaha uu dalkan Iswiidhen kaga qeeyb qaadanayo xasilooni u helida dalka Afgaanistaan, inkastoo oo dhowaantan carrigaa lagu dilay laba ka mid ah ciidammada nabad doonka ee iswiidhen, iyo sidoo kale iyada oo halkeedii laga sii wado taageerada in xal waara oo laba doowladood oo deris ah nabadna ku wada nool lagu dhameeyo caqabadda Israa'iil iyo Falastiin, magaalada Jerusalaamna ey caasimad u noqoto, ayaa ah xudunta siyaasadda arrimmaha dibadda ee dalka Iswiidhen, sida uu sheegey mar uu xarunta baarlamanka ku soo bandhigayey Carl Bildt, wasirka arrimmaha dibaddu ku bayaaniyayey siyaasadda arrimmaha dibadda ee dalka oo sannadkiiba mar la horkeeno xubnaha baarlamanka.

Kadib hirgalkii dastuurkii Lisabon ee ka hirgaley 27-dal ee xubnaha ka ah ururka EU-da ayuu wasiirku sheegey in siyaasaddii dibadda ee dalkani dhabbadeedii ku taagan tahey, taasina oo loola jeedo in dalkani yahey mid dhexdhexaad ah.

- Afrika waa qaarad leh suurtagallo wanaagsan ee mustaqbalka. Waxaa jira waddammo ama goobo ey horumar ka hirgaleen. Sidoo kale waxaa kor u sii kacaya xiriirka dhaqaale ee waddammada ku yaala qaaraddaasi la leedahay waddammada caalamka.

- Dhanka kale waxaa jira dalal ey caqabado iyo xasilooni la'aani ka jiraan. Geni Bisaw oo dhacda galbeedka illaa iyo Soomaaliya oo dhacda Bariga Afrika, iyo waddammada intaa u dhaxeeya oo ey ka jiraan caqabado ama tabar yari. Sida uu sheegey Carl Bildt, wasiirka arrimmaha dibadda.

Dawladda Iswiidhen waxey sabab u aheeyd siyaasadda ururka Eu-da iyo sidii loo xallin lahaa qilaafaadka qaaradda ka aloosan. Iswiidhen ayey aheeyd ciddii laheeyd fikirkii in maxkamad leeysugu keeno waddammada Itoobiya iyo Eriteriya, sidii loo xalin lahaa qilaafka xuduudeed ee dalalkaa ka taagan.

- Xiisaha hoowlaha sidii nabad looga aslixin lahaa Soomaaliya waa mid aan ku taagannahay. Dhowaan wuxuu dalkan la wareegi doonaa hogaanka ciidanka badda ee EU-da kana hoowlgala gacanka cadmeed iyo badweeynta Hindiya.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".