(s) presenterar sin integrationspolitik

Xisbiga Sooshalka iyo isdhexgalka

Afhayeenka Xisbiga Sooshiyal-dimuquraadiga u qaabilsan isdhexgalka Luciano Astudillo (s) iyo madaxa maamulka degmada Södertälje Anders Lago (s) ayaa soo gudbiyey fikir cusub oo xisbigoodu maagan yahay oo ku aadan isdhexgalka, fikirkaas oo haddi uu u hirgalo sida ay rabaan  ay ugu magacdari doonaan  "Lex Velling" ,sida ay labadaan mas'uul ku qoreen wargeeyska DN ee ka soo baxa dalkaan Iswiidhan.

Xisbiga ayaa raba haddii uu ku guuleeysto doorashada soo socota ee dalkaan ka dhici doonta bisha september ee soo socota,in uu sharciga isdhexgalka wax ka badalo ,kuna khasbi doono dhammaan degmooyinka ama kumuunada dalkaani in ay qaataan dadka soo galootiga ama magangalyo doonka ah,mar danbana aan degmooyinkaas laga aqbali doonin marmarsiiyaha ah in aysan heeyn guryo dadkaas soo galootiga ah ay dajiyaan.

Wuxuu kaloo xisbigu rabaa in xaafadaha soo galooti yar qaata oo ay tujaartu ku badan tahay,ay lacago siiyaan degmooyinka iyagu qaata soo galootiga.

Wuxuu kaloo xisbigu rabaa in la siiyo lacago magdhow dheeraada ah oo uu xisbigu ugu magacdarey "ansvarsbonus" xaafadaha qaata dad badan oo soo galooti ah.

Afhayeenka xisbiga Sooshal-dimuquraadiga u qaabilsan isdhexgalka Lunciano Astudillo (s) iyo Anders Lago (S) madaxa maamulka degmada Södertälje ayaa intaas ku darey  in degmooyinka qaarkood ay sanooyin badan qaadanayeen dad soo galooti ah,meesha qaar kalana aysan wax mas'uuliyad ah arrintaas iska saarin.

Xisbiga ayaa sidoo kale fikirkaan cusub oo uu maagan yahay raba in uu isbadal ku sameeyo waxbarashada dugsiyada Sfi-ga oo ay soo galootigu ku bartaan luqadda Iswiidhishka,uuna rabo in lagu saleeyo sidii qofka shakhsiga ah loogu diyaarin lahaa xirfad-barasho suuqa shaqada ku haboon.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".