Katastrofdrabbad betalar själv

Iswiidhishka la soo daadgureeyo oo iyagu kharashka iska bixinaya

Dawladda dalkaan Iswiidhan ayaa shaley soo jeedisey fikir sharci oo dawladda ku xukumaya fulinta in qunsuliyadeheedu dadaal ka geeystaan caawinta dadka Iswiidhishka ah oo ay dalkaan dibaddiisa ku qabsadaan dhibaatooyin sida dad ku xayirma goobo ay colaado ka socdaan ama meelo aafooyin dabiici ahi ka dhaceen iwm,laakiin kharashka dhankaas ku baxa oo dhan uusan qaranku dabooli karin isagoo ka bixinaya lacagta canshuur bixiyayaasha, sidaas daraadeed dawladda ayaa rabta in qofkii laga soo daadgureeyo ama laga caawiyo aafooyinkaas dalka dibaddiisa ku qabsadey ,uu dib qaranka ugu soo celiyo kharashkii ku baxay markii isaga ama iyada la soo daadgureeynayey ama laga taageereyey dhanka caafimaadka iyo daaweeynta.

Shirkadaha caymiska oo kaliya ayey tahay in ay dhabarka u ritaan dhammaan kharashka arrintaas ku baxa ,sidaas waxaa ku qorey wargeeyska DN ee dalkaan Iswiidhan ka soo baxa Carl Bildt wasiirka arrimaha dibadda ee dalkaan Iswiidhan.

Wasiirka arrimaha dibadda Carl Bildt ayaa intaas ku darey in sharcigaan cusubi uu si cad u qeexayo in qofka dibadda u dhoofayaa yahay kan ay mas'uuliyadda koowaad ka saaran tahay amnigiisa ee aysan mas'uuliyaddaasi saarneeyn dalkaan Iswiidhan.

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".