Tågtrafiken lamslås av kyla och snö

Taraamada iyo adeegyada basaska oo baraf xanibay

Wali waxaa siibadan haya dhibaatooyinkii qabsadey taraamada iyo gaadiidka guud ee dadweeynaha. Doorsoonka Jawiga (cimilada) ayaa gaarey heer aan caadi aheen dhamaan dalkan Iswiidhan. Shacabka ku dhaqan magaalad Stockolm ayeey digniin ku siisayineeysa Shirkada SL ineeysan guryahooda ka bixin, ayna diyaar u noqdaan safaf dhaadheer markii ay raacaan gaadiidka dadweeynaha, gaar ahaan tareemada dhulka iyo dusha saraba mara, ku waas oo qaarkood la joojiyey maantey oo isniina.

Shirkadu wexeey kaloo ku war galineeysa in dadku eegaan boga shirkada ee internad-ka si ay uga warqaataan meesha ya xaaladu mareeyso. Dhinaca kale waxeey shirkadu sheegtay in aya awoodooda iskugu geen doonaan sidii loogu fududeen lahaa dadyoowga dhoofa haya safaradooda.