Försäkringskassans tog reko

Qasnadda caymiska oo guul ka gaartey ka hortaga khayaamada

Qasnadda caymiska ayaa ku guuleeysatey weerakii ka dhanka ahaa musuq maasuqa iyo khayaamada loo geeysto hay'adas.Sida ay ku warameyso warbixin teedii ugu danbeeyay ay soo saartesi in boqolkiiba 74 ay ku guuleeysatey sanadkii 2008, ayna qasnadeeda ku hakisay dhaqaalo gara haya 577 milyan oo kronor.

khayaamooyinka ugu badan ee hay'ada haleela ayaa ugu yimaada sida lagu cadeeyay jariiddada DN dadka jirada ku qoron oo shaqooyinka suuqa madoowa ka shaqeeysta. Hay'adu waxeey sanadkii 2009 ka soo xareeysa dadyoowga sida khayaamada ku helay gunnada dhaqaale gaara haya 350 milyan oo kronor. Dhanka kale waxaajir dadyoow isbeddel dhaqaale ku dhacay, kaas oo saamayn kara xaq u ahaanshadii gunnada.

Hay'adu waxeey filaneeysaa inaad war galisid hadii ay wax isbada ku yimaadaan dhaqaalahaaga.

Haddii aanad soo sheegin isbeddelllada, waa la jari karaa gunnada. Waxa kale oo aad ku qasbanaan kartaa in aad soo celiso haddii aad qaadatay lacago badan ama lacag aanad xaq u lahayn