Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/
DOs rapport

Warbixinta wakiilka qaabilsan takoorka

Wakiilka qaabilsan faquuqa ama cunsuriyadda ayaa sanadkii 2009-ka heley 2 537 dacwo oo looga dacwoonayo ama looga shakisan yahay cunsurinimo ,tusaale ahaan 900 oo dacwooyinkaas takooridda ka mid ahi waxay xiriir la lahaayeen goobaha shaqada.

Sanadkii 2008-da waxaa afarta wakiil ee qaabilsan faquuqa ama takoorku markii la isku geeyo heleen 2 097 dacwo oo arrintaas ku saabsan.

Katri Linna ayaa sheegtey in ay sanadkii horeba fileeysey kor u kac arrintaan ku yimaada maadaama laga soo bilaabo 1-dii janaayo 2009-ka wax laga badaley sharciga takoorka ama faquuqa .Tusaale ahaan waxaa cusub oo lagu darey in ay da'du ka mid tahay waxyaalaha aasaaska u ah takoorka .Dadka ayaa dhanka kale siyaadey wacyiga ay u qabaan xuquuqdooda.

wakiilkaan qaabilsan takoorka ayaa si gaar ugu dhabagaley dumarka oo ay marmarka qaarkood xaalado khatar ah kala soo gudboonaadaan suuqa shaqada.Sanadkii hore wuxuu heley wakiilkaan qaabilsan takootku 177 dacwo oo takoor jinsi ah kaas oo ka dhacay suuqa shaqada,taas oo 24 boqolkiiba kor uga kacay marka la barbardhigo sanadkii 2008-da.

Xaaladda qoowmiyadda Roomiga ayaa sidoo kale warbixintaan looga digey.

Wakiilka qaabilsan takoorka ayaa xusey in dacwooyinka ay soo gudbiyeen qoowmiyadda Roomigu ay si baaxad leh u siyaadey,waxa ugu horeeya oo ay qoomiyaddaani dhibta kala kulantaana waa suuqa guryaha iyo la kulanka shaqaalaha sooshalka.

Sanadkii hore ayuu go'aamiyey wakiilka qaabilsan faquuqu in ay maxkamad la tiigsadaan ilaa 70 xaaladood oo 12 ka mid ah uu go'aankeeda lahaa wakiiladii hore ee qaabilsanaa faquuqa.Arrimahaas 35 ka mid ahi waxay ku dhamaadeen heshiisiin.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".