Vinterkaoset

Baraf wali fara ba'an ku haya gaadiidka dalkaan

Xaaladda barafka iyo qaboowga ayaa wali dalkaan gudihiisa hakad ku haya gaadiidka sida tareemada iwm.

Isu socodka tareenada u kala goosha magaalooyinka Stockholm iyo Göteborg ayaa dib u biloowdey inkastoo hoos loo dhigey xawaaraha ay tareenadaasi ku socdaan.

Wasiirka kaabayaasha Åsa Torstensson ayaa rabta in askarta gurmadku ay caawimaad ka geeystaan sidii loo sifeeyn lahaa marshooyinka tareenada.