Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/
Färre förtidspension

Dadka hawlgabka horey u gala oo hoos u dhacay

Afartankii sanoo u danbeeysey marna ma dhicin in ay tirada dadka Iswiidhishka ah ee horey u gala hawlgabku

ay hoos ugu dhacaan sidii uu hoos ugu dhacay sanadkii la soo dhaafey.

22 00 oo qof oo cusub kaliya ayaa sanadii hore heley lacagta jiranaashaha ama hawlgabka horey loo galo oo ah magaca hadda loogu yeero.

Tiradaas ayaa ah tiradii ugu yareeyd laga soo bilaabo sanadkii 1971-dii.

Tiradii ugu badneeyd ayaa aheeyd tii la diiwaangaliyey sanadkii 2004-tii ,markaas oo 73 000 oo Iswiidhish ah da'dooduna u dhaxeeyso 16 jir ilaa 64 jir ay galeen waqti ka horeeya waqtigii ay gali lahaayeen hoos u dhacaan ayaa loo aaneeynayaa in ay sabab u tahay sharciyada oo wax laga badaley.

Dood siyaasadeed oo aad u baaxad weeyn ayaa dalkaan Iswiidhan ka jirtey intii muddo ah taas oo ku saabsaneeyd

Dadka shaqada jirada uga maqan.Kharashka arrintaan ku baxa ayaa saddex jibbaar ka badan dhammaan kan ku baxa nidaamka cadaaladda ee dalkaan.

Ololahii doorashada ee sanadkii 2006-dii ayaa xisbiyada isgaashaanbuureeystey ee garabka midig arrin weeyn oo doorasho ka dhigteen dadka hawlgabka ku gala waqti ka horeeya muddadii ay ku gali lahaayeen.

Dawladda cusub ayaa sharci ahaan ciriiri ku galisey dadka hawlgabka horey u gala 1-dii luulyo sanadkii 2008-dii.

Wali cadad badan oo Iswiidhish ah ayaa ku jira hawlgab ay horey u galeen ,waana qiyaastii 500 000 oo qof oo Iswiidhish ah laakiin waa mid tiradaasi hoos u sii yaraaneeysa.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".