Lönematchen

Gorgortan mushaar

Maalinta isniinta ee 1-da bisha maarso ayaa waxaa bilaabmi doona wadahadalo ku saabsan mushaarada oo dhexmari doona ururka shaqaalaha warshadaha ka shaqeeya iyo shaqa bixiyayaasha warshadaha farsamo.

Ururka shaqaalaha ayaa dalbanaya mushaar siyaadin dhan 2.6 boqolkiiba meesha shaqabixiyayaashu ay taas badalkeeda miiska soo saareen in aan wax mushaar ah lagu siyaadin wadahadaladaan guud laakiin taas badalkeeda heshiisyadaasi gaar gaar uga dhacaan warshadaha gudahooda.

Ururka shaqaalaha oo dalbanaya in ay codka qayaxan ee diidmada ku yeeshaan arrimaha ku saabsan shirkadaha shaqaalaha ijaara ee loo yaqaano "bemanningsföretag" ayaa ah arrin kaleeto oo isqabqabsi xoog lihi ka jiro sidii xal loogu heli lahaa inta ka horeeysa inta uu socdo heshiiskaan saddex-sanadeedka ah oo ku eg 31-da bisha maarso.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".