Rödgrön hushållsröra

Xisbiyada mucaaradka iyo adeega guryaha

Xisbiyada mucaaradka dalkaan ayaa hadda albaabada u furey in ay halkeeda u daynayaan canshuur dhimidda ku wajahan shaqooyinka hawsha guryaha, haddi ay ku guuleeystaan doorashada soo socota.

Xisbiga bidixda ee Vänsterparti-ga ayaa wali ka biya diidsan ,meesha xisbiga cagaaran ee Miljöparti-gu rabo in sideeda loo daayo,xisbiga Sooshalka ayaa isaguna hadda albaabada u furey in arrintaas la sii wado ka dib markii ay doorashada ku guuleeystaan.

Xisbiyadda mucaaradka ayaa hadda ka wadahadlaya sidii ay fikrad mideeysan arrintaan uga qaadan lahaayeen ,rabana in ay soo bandhigaan xilliga xagaaga oo ay xisbiyadaasi soo gudbin doonaan siyaasad dhaqaale oo ay ku mideeysan yihiin.

Canshuurtaan laga dhimey shaqaalaha ka shaqeeya adeega guryaha ayaa dhaqangashey 1-dii bishii janaayo sanadkii 2007-dii.

Ilaa hadda qiyaastii 11.000 oo qof ayaa shaqa kaga heshey shaqooyinkaas adeega guryaha sida uu sheegey ururka shaqa bixiyayaasha adeega guryaha ee loo yaqaano Almega.

Tirada dadka sanadkoo dhan hawshaan ku shaqeeya ayaa dhan 7.600 qof ,laakiin tiradaan ayaa ah mid aan la isku wada waafaqsaneeyn, xisbiga Sooshalka ayaa qaba in tiradu intaas  ka yar tahay.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".