Sabuni, wasiirka sinnaanta iyo isdhexgalka foto: Bertil Ericson -Scanpix
samhällsorientering för nyanlända invandrare

Waxbarasho Jiheeysan

Laga bilaabo koowda bisha Diseembar ayaa la soo jeediyey in lagu waajibiyo
dhammaan degmooyinka uu dalku ka kooban yahey iney siiyaan
ajnabiga dalka ku cusub ugu yaraan 60 saacadood oo ah waxbarasho
jiheeyn habnololeedka bulshada.

Middaasina waxey ku caddeeyd baaritaan manta lagu gacanta loo gliyey wasiirka isdhexgalka iyo Sinnaanta Nyamko Sabuni.
Warbarashadan jiheeysan ee habnololeedka bulshada, ayaa la soo jeediyey in ajaaniibta dalka ku cusub lagu siiyo afkooda hooyo, iyadoona dadyoowga bixin doona la shuruudeeyey iney noqdaan kuwo aqoon dheeriya u leh, kana soo bixi kara hoowshaa, sida uu sheegey soo saarihii baaritaankan caalinka magaciisa la yiraahdo Erik Amnå, ahna baare gaar ee dawladda:

- Waxaan ula jeednaa iney macallimiin ka noqdaan wabixintan jiheeysan ee loogu talo galay macallimiin xirfad u leh, xirfad u leh luuqadda hooyo, xirfad u leh luuqadda iswiidhishka, xirfad u leh maadada ay ka hadlayaan ee la xiriirta su’aalaha bulshada, islamarkaana leh karti ey dad wax ku bari karaan ku kala saari karaan baahidooda, islamarkaana cid walba ku gaarsiin karta heerkeeda.

Si buuna yiri baaruhu loo helo macallimiin noocaasiya waa in machadyadu bixiyaan casharro noocaasiya, sida uu sheegay Erik Amnå.
Maxay ku saabsanaan doontaa wabrashadan jiheeysan?

Sida uu sheegay Erik Amnå, ayuu middaa u kala qaaday saddex qeeybood:

"Hab fikirka bulshada", "nolosha ku dhisan daryeelka iyo nabadgelyada " iyo sidoo kale nolosha ku saleeysan nolol-maalmeedka".

1. Kolka laga hadlayo "hab fikirka bulshada", ayaa la xiriirta, qiimaha midda bulshada korka u heeysa dastuur ahaan, waana tan ku cad xeerka dawladda, awoodda oo ey bulshadu leedahay iyo wixii la mid ah.

2. Midda la xiriirta ”nolosha ku dhisan daryeelka iyo nabadgelyada”, ayuu ku soo koobay Caalinku, habka ey bulshadu u shaqeeyso, heeyadaha jira. Xuquuqda ruuxa saaran iyo waajibaadka uu leeyahey.

3. Iyo midda saddexaad ee ”Nololmaalmeedka”, ayaa la xiriira qodobbo cad cad, oo ey ka mid yihiin:

- Waxey ku saabsanaan karaan wada xaajoodka waalidka lala yeesho ee iskuulaadka. In waalidka iskuulka looga yeeri karo iyadoo aaey dhallaanku wax dhibaato ah geeysan. Kullamada noocaasiya waxaa lagu wargeliyaa sidii looga hortegi dhibaatooyin dhallaanku la yimaado ama ku dhaca. Waxa laga filaayo in afgarasho lagu wada socdo iyo in aan la banjarin.
Dhammaan waxyaabahaasina waa kuwo ku fadhiya muhiimad, ey tahay lagama maarmaan in aan laga xasdin dadyoowga dalka ku cusub, sida uu sheegey Erik Amnå mar uu shir jaraa’id ku qabtay xarunta madaxtooyada ee Rosenbad.
Sidoo kale ayaa shirkaa jaraa’id lagu sheegey in ruuxa dhigta waxbarashada jiheeysan ee habnololeedka bulshada la siin doono warqad caddeeyn ah inta lana xiriirta inta saacadood ee uu dhigtay, maadooyinka uu ka dhigtay, iyo wixii la mid ah.
Waxbarashadan ayaa ku wajahan dadyoowga ajaaniibta ee dalka ku cusub. Iyadoona ruuxii aan ka qeeyb qaadan aannu xaq u yeelan doonin dhaqaalaha loogu tala galay nolosha. Sidoo kale maaha waxbarashada mid lagu caddeeyn karo shahaadooyinka iyo tacliinta iyo xirfadda uu ruuxu leeyahey.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".