Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/
Det brinner i en industrilokal. Giftig rök sprider sig österut mot Giraffens köpcentrum. Alla som befinner sig i området bör bege sig därifrån. Boende i området uppmanas att gå inomhus och stänga dörrar, fönster och ventilation. För mer information lyssna på Sveriges Radio P4 Kalmar.
(Publicerat idag kl 17.16)
Minnestund till Chile

Dhulgariirkii Chile iyo Iswiidhan

La daabacay torsdag 4 mars 2010 kl 16.33
Foto:Amun Abdullahi

Laba gabdhood oo 18 jir ah lana kala yiraahdo Donna Retamal iyo Stephanie Araya Dias oo reer Stockholm ah asal ahaanse ka soo jeeda dalka Chile ayaa go'aansadey in ay waxtaraan shacabka reer chile oo dhulgariirku dhawantaan ku habsadey.

Waxay iyagoo adeegsanaya Facebuug-ga ku guubaabiyeen dhammaan in ay taageeradooda ku muujiyaan isu soo bax ka dhacay maalintii talaadada barxadda ku taala bartamaha magaalada stockholm ee loo yaqaano Sergels torg.

Donna Retamal iyo Stephanie Araya Diaz waxay sidoo kale ku casumeen in ay halkaas ka hadasho hogaamiyaha xisbiga Soshal-dimuquraadiga Mona sahlin.

Mona Sahlin ayaa ku guubaabisey shacaka Iswiidhan iyo kan reer chili-ba in ay isku xirnaadaan ,noqdaana kuwa qeeybsada faraxa iyo murugada labadaba,sidaasna waxay u sheegtey ilaa 1000 qof oo isugu soo baxay barxadda Sergels torg:

(( Waxa Iswiidhan iyo Chili ka dhexeeyaa marna waa in aysan go'in ,waana mid sii xoojineeysa farax iyo murugo labadaba,sidaas daraadeed waxaan leeyahay Chili ha noolaato.)) sidaas waxaa tiri hogaamiyaha xisbiga Sooshal-dimuquraadiga,waxayna hoosta ka xariiqdey in Chili asan aheeyn wax ay ku kala duwan yihiin xisbiyada talada dalkaan haya iyo mucaaradku.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".