Hibo Abdullahi waxay dalka ku timid kelinimo iyada oo 16-jir ah. Iminka waxay ka hoowlgashaa goobtii lagu xannaaneeyn jirey sannadkii 1994 ee dhallaanka kelinimada ku yimaada ee magaalada Härnösand.
ENSAMKOMMANDE FLYKTINGBARN UPPGER LÄGRE ÅLDER FÖR ATT SNABBARE FÅ UPPEHÅLLSTILLSTÅND

Da’da dhallaanka keligood ah

Sida ey idaacadda caalamiga ah ee raadiyaha Iswiidhen u xaqiijiyeen, masuuliyiin, shaqaale ka hoowlgala iyo dhallaan iyagu laftooda ku dhaqan goobaha lagu xannaaneeyo dhallaanka kelinimada dalkan ku yimaada iney ka jiraan caqabado la xiriira in dadyoow dhaafay da’dii qaangaarka ey caruurnimo isu dhiibaan si ey ugu sahlanaato helitaanka sharcigii deggenaansho ee dalka.

- Waa su’aal adag in sawir buuxa laga helo amuurtaa, hase yeeshee heeyadda socdaalka ayaa da’da dadyoowga dhallaanka isku dhiiba kor u qaadda 15% goor dambe.

- Way u sahlan tahay dhallaanka aan qaangaarin iney muddo kooban ku helaan sharci deggenaansho, iyadoona ey shuruucda dalku qorayaan in aan dib loo celin, haddii aan la helin cidii qaabili laheeyd.

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".