Foto: SR Gävleborg
Två av barnen kunde ha räddats

Ilmahii dabka ku dhintey qaarkood waa la badbaadin karey

Baaris uu sameeyey barnaamijka Kalla fakta ee telefishinka afraad ee dalkaan Iswiidhan ayaa lagu ogaadey in guriga uu ka dhacay dabkii ugu xumaa ee dalkaan ka dhacaa kaas oo ka dhacay xaafadda Rinkeby bishii luulyo ee sanadkii hore ayna ku dhinteen haweeney iyo lix caruur ahi ,uusan gurigaasi laheeyn meelo daloola oo qiica dabkaasi uu ka baxo.

Dhawr bilood ka hor xilligaas dabku dhacay ayaa khubaro dabka qaabilsani baareen ilaa 85 daloolada qiicu ka baxo ee guryaha qoysasku dagaan ee xaafadda rinkeby taas oo ay natiijo ahaan ku ogaadeen in boqolkiiba 85 dalooladaasi ku dheceen ama aysan u shaqyeeyneeyn sidii laga rabey.Khubarada ayaa qaba in uu jiro tuhun dayac oo xoog leh oo la xiriira  dayactirka .

Waxaana laga yaabaa in ilaa laba ka mid ah caruurtaas dhimatey  la badbaadin kari lahaa.

Hooyada iyo lixdaas ilmood oo dabka ku geeriyoodey sanadii hore ,ayaa ahaa kuwa asalkoodu Soomaali ka soo jeedo.

Dalooladaas dabku ka baxaa waxay sahli lahaayeen in qiica sunta ahi ka baxo agagaarka jaranjarada gurigaas,laakiin meelahaas qiicu ka baxo oo xumaa awgeed waxay taas u suuragalin weeydey dabdamiyaashii in ay dalooladaas  furaan si qiicu uga baxo goobta ,una badbaadiyaan nolosha todobadaas ruux.

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".