Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/
Kommun ojämställt

Maamulka kumuunada oo aan sinaani ka jirin

Foto: Midia Osman Taha/SR Kristianstad

Sanooyin badan oo dalkaan Iswiidhan laga hadlayey sinaanta ragga iyo dumarku u siman yihiin dhanka siyaasadda,ayaa ruggu wali yihiin kuwa badanaa iyagu xukuma degmooyinka ama kumuunada dalkaan.

83 kumuun oo ka mid ah 290-ka kumuun ee dalkani ka kooban yahay ayaa waxaa ka taliya haween,sidaas waxaa qorey wargeeyska dagens Nyheter taasina qiyaastii waa boqolkiiba 28.

Waxaa kaloo sii yaraanaya haweenka siyaasiyiinta ah ee kumuunada markii hadba kor loogu sii durko boosaska sare oo ay raggu buuxiyeen.

Haweenka ku jira baarlamaanada dagmooyinka ayaa ahaa 42 boqolkiiba doorashadii hore ka dib .

Maamulka dagmooyinka waxay haweenku ka ahaayeen boqolkiiba 39 ,sanadkii 2007-dii,sida laga soo xigtey hay'adda dhexe ee tirakoobka dalkaan SCB.

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".