Foto: Scanpix.
Kvinnorörelse 100 år

Halganka haweenka oo boqol sano jirsadey

Maanta ayaa loo dabaldagayaa boqol sano oo ka soo wareegtey maalinta haweenka caalamka ee 8-da maarso.

Halgankaas loo galey sinaanta guud siyaasad ahaan,waxbarasho ahaan iyo suuqa shaqadaba ayaa ahaa mid qaatey muddo aad iyo aad u dheer mid qalafsanna sidoo kale ku ahaa marar badan haween badan ee dalkaan Iswiidhan ku nool.

Dhacdooyinkii isbedel oo ugu muhiimsanaa boqolkii sanoo la soo dhaafey ayaa waxaa ka mid ahaa:

1919-kii haweenka Iswiidhan ayaa xaq u heley in ay ka qeeyb qaataan codeeynta guud,waxayna ahaayeen kuwii ugu danbeeyey oo xuquuqdaas hela haweenka wadamada Nordiga loo yaqaano.

1920-kii waxaa la aasaasey ururo haween oo ay yeeshaan xisbiyada sooshalka iuo Modaraat-ku.

1921-dii ayey haweenka Iswiidhishku markii ugu horeeysey u codeeyeen doorashada baarlamaanka .Shan haween ah ayaa loo doortey baarlamaanka.

1927-dii ayey gabdhaha u suuragashey in ay aadaan waxbarashada dawladda sida dugsiga sare iyo in ay ardo qaataan.

1935-tii ayey haweenku heleen hawlgabka shacabka oo le'eg kan ragga la siiyo.

1938-dii Waa markii ugu horeeysey oo haweeney ay idaacadda ka hadasho .Dhageeystayaal badan ayaa ka xumaadey.

1947-dii ayey Karin Kock noqotey haweeneydii ugu horeeysey oo wasiiru dawle ka noqota dalkaan Iswiidhan.Isla sanadkaas ayaa dadkoo dhan loo bilaabey lacagta caruurta ee barnbidrag-ga.

1955-tii ayey haweenku xaq u heleen 90 maalmood oo ah fasaxa hooyanimada.

1958-dii ayaa haweenka loo ogolaadey in ay noqon karaan wadaado kaniisadda ah .

1960-kii ayey haweenkii ugu horeeyey dad isku meheriyeen.

1968-dii ayaa la dhisey urur haweenka isku xira Group 8.

1971-dii ayaa haweenka loo ogolaadey in ay canshuurta goonidooda u gudbisan karaan iyagoo aan cid kale ku lifaaqneeyn.

1974-tii ayaa la dhaqan galiyey caymiska waalidiinta "föräldraförsäkringen" ka dibna waxbaa lagu sii darey.

1975-tii ayaa la ogolaadey in si xor ah ilmaha la isaga soo ridi karo.

1979-kii ayaa waalidiinta caruurta yar yari xaq u heleen in ay shaqeeyaan lix saacadood maalintii.

1983-dii waxaa haweenka loo furey dhammaan xirfadaha shaqada oo dhan xataa ciidamada.

1985-tii ayey Karin Söder noqotey hogaamiyihii ugu horeeyey oo madax ka noqota xisbi baarlamaanka ku jira,waxayna madax u noqotey xisbiga dhexe ee Center-ka,ka dibna waxay noqotey haweeneydii ugu horeeysey oo wasiir arrimo dibadeed dalkaan ka noqota.

1989-kii ayey Lillemor Arvidsson noqotey haweeneydii ugu horeeysey oo dalkaan madax ka noqotey urur shaqaale,kaas oo ah ururka shaqaalaha kumuunada ama dagmooyinka oo qeeyb ka ah ururka shaqaalaha ee LO.

1997-dii Christina Odenberg ayaa noqotey baadariyaddii ugu horeeysey oo uu dalkaan Iswiidhan yeesho.

1998-dii ayaa la mamnuucay gudniinka haweenka.

1999-kii ayuu dhaqangaley sharciga iibsiga galmada.

2005-tii ayuu dhaqan galey sharciga cusub ee suuragalka ka dhigaya in danbi kufsi ah loogu soo oogo haddii qofka arrintaas loo geeystey uu ku sugan yahay xaalad awood la'aan ah.

2007-dii ayaa dawladdu soo bandhigtey qorshe looga hortagayo gacan ka hadalka raggu kula kaco haweenka ,danbiyada sharaf-ilaalinta xiriirka la leh iyo caburinta iyo gacan ka hadalka ka dhexdhaca dadka isku jinsiga ah oo xiriirka leh.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".