Inga invandraryrken

Xirfadaha qaarkood iyo soo galootiga

Ilaa hadda waxaa jira xirfooyin shaqo oo ay ka shaqeeyaan dad yar oo ka mid ah dadka dalkaan dibaddiisa ku dhashey.

Dad yar oo dalkaan dibaddiisa ku dhashey ayaa ciidan ah sidoo kalana qaar yar oo soo galooti ah ayaa ka shaqeeya dabdamiska iyo kuwa diyaaradaha hogaamiya ,sidaas waxaa lagu caddeeyey tirakoob ka soo baxay hay'adda dhexe ee tirakoobka SCB.

Luqad heer sare ah oo lagu xiro iyo waxbarashada xirfadahaas oo muddo dheer qaadata ayaa warbixintaas lagu cadeeyey in ay arrintaas raad ku leedahay .

Tusaale ahaan boqolkiiba laba kaliya oo iyagu ku dhashey dalkaan Iswiidhan dibaddiisa ayaa ah hogaamiyayaal diyaaradeed.

Guud ahaan dadka dalkaan dibaddiisa ku dhashey waxay sanadkii 2008-dii ka ahaayeen xirfadleeyda dalkaan Iswiidhan ilaa iyo boqolkiiba laba iyo toban.

Ku dhawaad dhammaan dabdamiska dalkaan ayaa ah Iswiidhish dalkaan u dhashey.

Waxbarasho dheer oo ay xirfadaasi u baahan tahay ayaa taas lagu macneeyey.

Laakiin Braem Sager oo bartey cilmiga bulshada isku dubaridana ka ah xarunta dabdamiska Rosengård ee magaalada malmö ayaa sheegey in ay khasab tahay in xirfadahaas loo iftiimiyo dadka asalkoodu soo galootiga yahay.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".