Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/
Hot mot Lars Vilks

Handadaad ku wajahan Fanaanka Lars Vilks

Foto: Bertil Ericsson/Scanpix.

Dalka mareeykanka ayaa danbi lagu soo oogey haweeney lagu tuhunsan yahay in ay qorsheeyneeysey dil loo geeysto fanaanka iswiidhishka ah ee Lars Villks,sidas waxaa wariyey telefishinka CNN.

Haweeyneydaan oo sida la wariyey loogu magacdarey Jihad Jane ayaa la qabtey sanadkii hore dhammaadkiisii.

Wasaaradda cadaaladda ee dalka Mareeykanka ayaa la sugeeysey ku dhawaaqidda dhacdadaas ilaa iyo inta uu ka dhamaanayo baaris ka socotey dalka Irland oo ku saabsaneeyd todoba qof oo dalkaas lagu qabtey ,loogana shakiyey in ay qorsheeynayeen dilka Lars Vilks.

Fanaankaan Lars Vilks ayaa lagu khasbey in uu ku noolaado baqdin iyo khatar joogta ah laga soo bilaabo sanadkii 2007-dii,markaas oo uu masawir gacmeed ka sameeyey nabi Maxamad,kuna mataley eey wareegsan taas oo dareen kicisey.

Nin u hadley ururka Alqaacida ayaa sheegey in uu 100 000 doolar siin doono ciddii soo disha Lars Vilks,ilaa xilligaas ayuu fanaankaani dhuumasho ku jirey.

Ciidamada sirdoonka dalkaan ee Säpo ayaa garwaaqsan ilaa iyo heerka khatara leh oo soo foodsaartey fanaankaan,Säpo ayaana waardiye joogta ah ka haysa Lars Vilks.

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".