Somalier och anhöriga

Soomaalida dalkaan la keenayo oo baasboor shuruud looga dhigey

Hadda laga bilaabo waxaa aad ugu adkaan doonta soomaalida dalkaan Iswiidhan sharciga magangalyada ka heshey in dalkaan loogu keeno eheladooda ka maqan.

Hay'adda socdaalka ayaa maanta go'aamisey go'aan dhabatus ah kaas oo xanbaarsan in Soomaalida rabta in ay dalkaan Iswiidhan ku yimaadaan ehel ahaan si ay ula midoobaan qoysaskooda ,ay khasab tahay in ay haystaan baasaboor .

Shuruudaan ayaa Soomaalida lagu xirey iyadoo dalkooda uu ka socdo dagaal sokeeye oo ka qarxay sanadkii 1991-dii,uusana halkaas ka jirin baasaboor sharci ahi.

Sanadkii hore waxaa dalkaan magangalyo weeydiistey ilaa iyo 5 874 Soomaali ah .Codsiyada ku saabsan dadka ehelkooda keensanaya ,ayaa iyaguna aad kor ugu kacay.

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".