Foto: Fredrik Persson/Scanpix.
Relation mellan Sverige och Turkiet

Xiriirka Iswiidhan iyo Turkiga

Rai'sal wasaaraha dalkaan Iswiidhan Fredrik Rienfeldt ayaa sheegey in uu ka xunyahay go'aankii uu baarlamaanka dalkaan Iswiidhan qaatey oo ku saabsanaa xasuuqii ay Turkigu u geeysteen shucuub ay dadka Armeenigu ka mid yihiin.

Maalintii sabtida ayaa Rienfeldt wuxuu taleefoon ku wacay rai'sal wasaaraha dalka Turkiga Erdogan si uu u dajiyo xaaladda xiriirka dublamaasiyadeed ee Turkiga iyo Iswiidhan oo maalmihii ugu danbeeysey sii murgeeysey.

Fredrik Rienfeldt ayaa sheegey in go'aanka baarlamaanku uu raad aan fiicneeyn ku yeelanayo dib u heshiisiin dhexmarta Turkiga iyo Armiiniya.

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".