TBC vanligare

Iswiidhan iyo cudurka TB-da

Tirada dadka qaba jeermiska cudurka TB-da ayaa dalkaan Iswiidhan kor u kacay,Sida lagu muujiyey tira ka soo baxdey machadka ka hortagga cuduradda faafa ee "smittskyddsinstitutet" .

Sanadkii hore waxaa la diiwaan galiyey ilaa iyo 643 xaaladood oo cusub ,waana kor u kacii ugu badnaa laga soo bilaabo sanadkii 2002-dii.

Xaaladda ayaa aad khatar u ah.Wadammada reer galbeedka ee Iswiidhan la midka ah ,ayuu cudurkaani si joogta ah hoos uga dhacay.

Kor u kacaan ayaa ku badan dadka soo galootiga ah ,shantii qof oo cudurkaan qabtaana afar ka mid ahi dalkaan dibadiisa ayey ku dhasheen.Dadkaas boqolkiiba 57 ayaa Afrika ku dhalatey khaasatan Soomaaliya iyo Eretereya ,boqolkiiba 22-na waxay ka yimaadeen qaaradda Aasiya ,boqolkiiba 10-na waxay ku dhalatey dalal kaleeto oo qaaradda Yurub ka mid ah.

Saddexdii qofba dunidda qof ayaa sida jeermiska TB-da ee hurda laakiin ma gudbin karaan oo dad kale kuma ridi karaan.

Tan ugu xummina waa jeermiska TB-da ee daawada adkeeysiga u leh oo aysan dili karin taas oo dalkaan Iswiidhan sanad walba ku dhacda ilaa iyo 13 qof.

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".