Faras magaalaha Våxnäs ee magaalada Karlstad oo biyo saf loogu jiro. Foto: Lars-Gunnar Olsson/SR.

Biyaha oo la karkariyo

Waxaa dib loo soo celiyay biyihii qasabadaha ee magaalooyinka Karlstad iyo Hammarö, iyadoona laga cabsi qabo iney biyaha weli jeermis ku jiraan, sidaa daraadeed ayaa lagu dhiirigelinayaa in dadyoowga ku dhaqan carrigaa ey biyaha iska karkariyaan inta aaney cabin. Sidoo kale waxaa waalidiinta lagu waaninayaa iney dhallaankooda biyo nadiif ah ugu sii dhiibaan kolka ay iskuulka aadayaan.  

- Maalin walba waxaan biyaha ka qaadnaa tijaabooyin si aannu u hubino xaaladda jeermiska ee biyaha, balse inta war kale dib looga soo saari doono in biyaha la karkariyo, sida uu sheegey madaxa laanta teknikadu Per-Anders Bergman.

Fiiro gaar ah: In biyaha la karkariyo waxey macnaheedu tahay in ugu yaraan daqiiqado ey karkaraan.

Warbixin intaa dhaafsiisan ka daalaco bogga internetka ee idaacadda iswiidhen ee gobolka Värmland:

http://sverigesradio.se/varmland/nyheter/artikel.asp?artikel=3573934

Iyo bogga internetka ee degmada Karlstad

http://karlstad.se/

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".