Rödgrönas storsatsar på tågtrafiken

Mucaaradka iyo maalgalinta tareenada

Xisbiyada mucaaradka ayaa gaadiidka tareemada ku maalgalin doona lacag dhan 120 milyaardar oo karoon ilaa iyo inta laga gaarayo sanadka 2021-ka.

Xisbiyada Sooshalka ,kan bidixda ee Vänster-ka ,iyo xisbiga cagaaran ee Miljöparti-ga ayaa si wadajir ah u soo gudbiyey soo jeedin ay rabaan in ay maalgalin xoog leh ku sameeyaan wadooyinka tareenada ,gaadiidka dadweeynaha iyo leeymanka ay tareenada dheereeyaa maraan.

Lacagtaan ay xisbiyada mucaaradka arrintaan ku maalgalinayaan oo dhan 120 milyaardar oo karoon ,ayaa laba jibaar ka badan miisaaniyadda ay dawladdu arrintaas ugu talagashey,waana maalgalintii ugu badneeyd oo dhankaas lagu sameeyo laga soo bilaabo 1800-kii,sida ay sheegeen xisbiyada mucaaradku .

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade ljud i menyn under Min lista