Dödshjälp

Dhimasho loo sahlo bukaansocodka

Bukaansocodka ayaa xaq u leh in ay go’aamiyaan in laga saaro qalabka nafta ku celinaya ,golaha bulshada ”socialstyrelsen ”  ayaa shaley arrintaas si cad ugu sheegtey xarumaha daryeelka .

Guddiga bulshada ayaa sameeyey baaris dhanka sharciga la xiriirta ka dib markii haweeney xanuunsan oo 32 jir ahi waraaq u soo qortey golaha bulshada.

Waxayna dalbaneeysey in qalabka fududeeya neefsiga oo iyada ku rakibnaa laga soo bilaabo markii lix sano jir aheeyd laga xiro .

Muhimaddu waa in bukaansocodku fahansan yahay warbixinta takhtarku siiyo iyo cawaaqibka uu leeyahay go'aan sidaas oo kale ahi ,laakiin haddii bukaansocodku

Rabo in qalabkaas laga saaro ,goobaha daryeelka waxaa waajib ku ah in ay sidoo kale ku casumaan wax xanuunka ka yareeya iyo daryeel walwalka ka damiya,sidaas waxaa sheegey guddiga bulshada "socialstyrelsen".

Sharaxaadaan ayaa waxaa ugu horeeyn soo dhaweeyey

Bukaansodka rabo in ay dhintaan laakiin takhaatiir badan ayaa shaki ka muujiyey.

Waxayna sheegeen in ay tahay xad gudub xoog leh oo loogu talaabey caawin firfircoon oo dadka laga caawinayo in ay dhintaan,taas oo dalkaan Iswiidhan mamnuuc ka ah.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade ljud i menyn under Min lista