Polisvåld

Dhibaha boolisku geeysto

Wax baaritaan ah laguma sameeyo dacwooyinka ka dhanka ah xoogga xad-dhaafka ah oo booliiska dalkaani isticmaalo, baaritaano hore oo arrintaas lagu sameeyeyna waa la xirey.

Sidaas waxaa baaritaan ay usbuucaan sameeysey ku ogaatey idaacadda wararka ee Ekot ,taas oo sidoo kale baareeysey dhacdadii Johan Liljeqvist oo laba sano ka hor geeriyoodey ka dib markii ay booliisku qabteen.

Dhacdada Johan Lileqvist ayaa waxaa baarey xeer ilaaliye sare Björn Ericsson oo ah madaxa waaxda dalka oo dhan eegta dacwooyinka booliiska ka dhanka ah.

Isugeeyn 478 xaaladood oo uu gacanta ku hayo Björn Eriksson ,hal dhacdo oo kaliya ayaa gaartey ilaa heer dacwa oogid ah.

Sidoo kale ma dhicin wax amaro ciqaabeed ah ,sida uu muujinayo baaritaanka ay sameeysey idaacadda wararka ee Ekot.

Booliiska ayey dhif tahay in dacwo danbiyeed lagu soo oogo,ilaa boqolkiiba hal oo kaliya ayaa dacwooyinkaas booliska ka dhanka ah gaara ilaa heer dacwo loogu soo oogo ama muta amaro ciqaabeed.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade ljud i menyn under Min lista