Finanspolitiskt betyg

Siyaasiyiinta oo loo digey

Hay'adda dawladda dalkaan Iswiidhan u qaabilsan in ay kala taliso arrimaha dhaqaalaha ,ayaa warbixin ay maalintii shaley soo bandhigtey waxay ku sheegtey in maadaama xaalad dhaqaale oo adag  addunka oo dhan soo foodsaartey , ay lagama maarmaan  tahay in siyaasiyiinta dalkaan Iswiidhan  iska dhawraan xilliga doorashada lagu jiro balanqaadyo kharash weeyn oo dhaqaale ugu kaca dalkaan Iswiidhan.

Hay'addaan oo lagu magacaabo Finanspolitiska råd ayaa qoraalkeeda ku muujisey in dhibaatada dhaqaale iyo deeymanka ay dalalku ku jiraan aysan ku koobneeyn oo kaliya wadamadda yurub ee ay sidoo kale ka jirto dalalka Mareeykanka iyo Jabaan ,dalkaanina waa in uu u diyaargaroobo dib u dhac dhaqaale oo laga yaabo in ay addunka oo dhan saameeyso.

Dhanka kale waxaa maanta kulan isugu imaanaya magaalada Bryssel wasiirada maaliyadda iyo dhaqaalaha wadamada xubnaha ka ah ururka midoowga yurub ,waxaana dalkaan Iswiidhan kulankaas uga qeeybqaadanaya Anders Borg oo ah wasiirka lacagta ee dalkaan Iswiidhan.

Waxyaalaha ay wasiirada maaliyadda iyo lacagtu isla gorfeeynayaan waxaa ka mid ah sidii loo xakameeyn lahaa dheeliga lixaadka leh oo ku jira miisaaniyadaha dalal badan oo xubno ka ah ururka midoowga yurub .