Tidigare betyg

Imtixaannada iskuulaadka

Wasiirka tacliinta Jan Björklund oo maanta soo bandhigay qorshaha dawladda ee la xiriira imtixaanka shahaadada laga bilaabo fasallada lixaad.

Laga bilaabo xilliga deeyrta ee sannadka 2012 ayaa labada fasal ee lixaad iyo toddobaadba markii ugu horreysay laga qaadi doonaa imtixaanno lagu qiimeeyo buundooyin shahaado, halka maanta imtixaanka ugu horreeya laga qaado kolka uu ardaygu ka baxayo fasalka siddeedaad.
Waa isbadal muhiimad ku fadhiya ayuu yiri Jan Björklund, mar uu middaa saxaafadda uga warramayay. 
- Midda ugu muhiimsan waxay tahay in waalidka iyo dhallaankuba helaan xaqiiq dhab ah ee saameeysa natiijadooda iyo heerka uu ardaygu waxbarashada ka taagan yahay. Waxaa sidoo kale kala caddaanaya goolka ardayga laga doonayo, meesha uu ka taagan yahay iyo waxa laga filanan karo. Waa mid sahlaysa in horraantaba la ogaado ardayga liita si gacan loogu fidiyo. Shahaado bixintana waxay iskuulka ku qasbaysaa sidoo kale in si xaqiiq ah loo qiimeeyo.
Wuxuu kaloo Jan Björklund qabaa in shahaadadu saameeyn ku yeelato horumarka tacliineed ee ardayga.

                                                                kenadid.mohamed@sr.se