Terrorsvenk info

Nin fal argagixisanimo loo qabtey

Magaalada Göterborg agagaarkeeda ayaa waxaa laga qabtey nin lagu tuhunsan yahay fal argagixisanimo ,sidaas waxaa lagu sheegey war saxaafadeed ka soo baxay hay'adda sirdoonka dalkaan Iswiidhan ee Säpo.

Ciidamada sirdoonka ee Säpo ayaa intii mudo ah ninkaan baadigoob ugu jirtey,danbiyada ninkaan lagu tuhunsan yahayna wuxuu la xiriiraa qorshayaal iyo falal la rabay in laga geeysto ama laga fuliyo dalka Soomaaliya.

Eeddeeyntaan ku saabsan falalka argagixisanimo ayaa ah in ninkaani damacsanaa in uu fuliyo falkaas argagixisnimo isagoo la kaashanaya cid kaleeto ama uu isku dayey in uu qof kaleeto ka dhaadhiciyo fulinta fal-danbiyeedkaas .