Gunno waxbarasho

Gunno la siiyo ardayda SFI

Xubnaha baarlamanka ee dalkan Iswiidhen ayaa la filayaa iney maanta dubbaha ku dhuftaan go’aan la xiriira xeereeynta gunno la siiyo ardayda soo galootiga ee dhigatada dugsiyada lagu barto luuqadda iswiidhishka, waxa loo yaqaano SFI, haddii uu ardaygu ku guuleeysto inuu waxbarashada ku dhameeyo muddadii loogu talagalay. Iyadoona ruuxii uu middaa u suurtagalo heli doono gunno abaalmarin ee gaarsiisan 12 kun oo koronka iswiidhishka ah.