Svenskarnas attityder till invandring

Iswiidhiahka iyo soo galootiga

Afkaarta ay dadka Iswiidhishku ka qabaan soogalootiga iyo qaabilaada qaxootiga ayaa aad uga soo wanaagsanaaneeysa sidii ay markii hore aheeyd, sidaas waxaa lagu muujiyey baaris cusub oo uu sameeyey machadka SOM oo ay xaruntiisu tahay magaalada Göteborg, uruuriyana afkaarta bulshada.

Dhanka kale degmooyinka Stockholm ayaa oo ka kooban ilaa iyo 26 degmo ayaa go'aasadey in ay degmooyinkooda dejiyaan ama ku meeleeyaan in ka badan

340 oo ka mid ah dhallaanka qatootiga kali-socodka ah,taas oo macneheedu yahay in gobolka Stockholm oo saddex meelood oo meel ahaan qaadan doono 2800 dhallaanka ay hay'adda socdaalku ku qiyaastey in sanadkaan imaandoonaan dalkaan Iswiidhan.

Xilligaan lagu jiro ilaa iyo 720 dhallaan ah ayaa sugaya goobo la dajiyo.

Agaasimaha guud ee hay'adda socdaalka Dan Eliasson ayaa sheegey in uu rajeeynayo in arrintaas uu ku dhaqaaqey gabolka stockholm ku dhiiri galin doonto qeeybaha kaloo dalka in ay sidaas oo kale yeelaan.