Kaalinta isboortiga ee dhallaanka

Warbixin dhawaan ay soo saartey taliyaha ciidamada booliska gobolka Stockholm Carin Götblad ayey ku sheegtey in dhallaan gaaraya ilaa iyo 5 000 oo qof oo ku nool goobaha ay deegaan ahaan ku urursan yihiin soo galootigu ay qarka u saaran yihiin in ay gacanta u galaan kooxo danbiilayaal ah oo raba in ay dhallaankaas u adeegsadaan falalkooda xun xun.

Dhallaanka soo galootiga oo goobahaas ku sugan ayaa waxaa badanaa la soo gudboonaata nolol dhaqaale ahaan iyo bulsho ahaanba dhibaatooyin xanbaarsan. Hadaba cayaaruhu waxay ka mid yihiin waxyaalaha caruurta
iyo dhaliinyarada ka badbaadin kara in ay waddo qaldan maraan.
Maxamad Cabdullaahi Jibriil waa aabe dhaley shan ilmood wuxuuna mar walba ahamiyadda saaraa in ilmihiisa uu u furo fursad kasta oo ey kaga qeeybqaadan karaan cayaaraha.