Många har skurit sig

Gabdhaha oo xaaladahooda caafimaad wanaagsaneyn

Gabdhaha yar yarka ah ee dhigta dugsiyadda sagaalaad ee magaaladda Göteborg ayaa shantii gabdhood mid kamid ahi waxaa ay dhaawac u geysataa nafteeda sababo la xirriira xaaladaheeda caafimaad oo aan wanagasaneyn. Warbixin uu daabacay wargeyska Göteborgs Posten ee ka soo baxa magaaladda Göteborg ayaa 3000 oo ardey gaareysa waxaa uu la yeeshay su,aalo uu wargeysku sheegay in ardeyda toddbaad ay kaga jawaabtay iney mar uun is dhaawacday, dhaawacaasi waa iney xiddid gacanta ku yaala iskaga jeexeen sakiin. Halka wiilashana tobankii ruux mid kamid ahi uu isagana fal kaas oo kale sameeyey.

Åsa Svensson oo ah la taliye iyo isku dubaridda ka howlgasha xarrunta dhalinyaradda ee Ungdomsmottagning ee magaaladda Göteborg ayaa ineysan u arkeyn tiradda gabdhaha la sheegay iney gacanta iska qalaan ay tahay kuwo soo kordhay tobbankii sanno ee ugu dambeeyey, balse dabeecad ahaan arrimahaasi  oo ay saxaafaddu  xiiseysay ay u yihiin kuwo kordhay.  In dhalinyaraddu iney kaga doodaan bogga internet-ka sida ay qaarkood isku qali lahaayeen ay noqotay mid dabeeci ah si ay xaaladda xun ee nafsad ahaaneed ay isku ilowsiin lahaayeen.