Storkonferens för Afghanistans framtid

Kulanka deeq bixiyayaasha ee Kabul

Waxa dalka Afghanistaan caasumaddiisa Kabul maanta ka biloowday kulan ay isugu yimaadeen wasiiradooda arrimaha dibada ee afartan dal oo deeq bixiyaal ah, kuwaas oo ka wada xaajoonaya mustaqbalka dheer ee dalkaas Afghaanistaan.

Kulankaan ay deeq bixiyayaashu iskugu yimaadeen ayaa ah mid aan horey u dhicin tan iyo markii ay galeen ciidamada Mareeykanku dalkaas.

Ujeedada kulankaanina wuxuu ku saabsan yahay in si dhab ah hoos loogu eego mashaariicda dib u dhiska ee horey la isugu raacey iyo waliba sidii ay meel uga soo wadajeesan lahaayeen la dagaalanka argagixisada.

Kooxaha soo abaabuley shirweynahaan ayaa waxay dowladda martida loo yahay ee Afghanistaan u balan qaadeen in eey adkeeyn doonaan nabadda.

Dhinaca kale wasiirka arrimaha dibbada ee dalkaan Iswiidhan Carl Bildt ayaa la kulmey qaraxyo qasaare geystay kuwaas oo hakad ku keeney in ay caga dhigato diyaaradii sidey wasiirka.

Wasiirka ayaa sheegay in eey sii wadi doonaan deeqda ay siiso dawladdiisu xukuumadda Kabul, iyo waliba in ay ku nagaan doonaan ciidamada reer Iswiidhan ee ka garab dagaalamaya xulufada ciidamada gaashaanbuurta Nato.