Dacwad ka socota maxkamad. Foto: Leif R Jansson/Scanpix
Domarbrist i Sverige

Maxkammadaha oo qareemo la’

Goobo badan ee ka mid ah maxkamadaha Iswiidhen ayey caqabad ku heysaa sidii ey ku heli lahaayeen qareemmo ka hoowl-gala, sida ku cad baaritaan ay sameeysay idaacadda wararka ee Ekot.

War ka soo baxay hayadda maamulka maxkammadaha Domstolsverket, ayaa middaa ku macneeysay in ay ugu wacan tahay jiilalka is bedelaya iyo hoowlaha maxkamadaha oo kor u sii kacey, iyo sidoo kale qareemmada maxkamadaha oo hoowlaha iyo goobaha ey ka hoowl-geli karaan doorasho u leh.

Hayadda maamulka maxkammadaha ayaa iminka ku hoowlan sidii baaritaan amuurtaa loogu sameeyn lahaa, sida ay sheegtay madaxa laanta wararka ee hayadda Karin Nacke: 

- Waa inaan dar dar-gelino sidii aan si ka wanaagsan ugu suuq-gelin lahayn hoowlaha maxkammadaha iyo suurtagallada aan qareemmada u heeynno marka loo bar bar dhigo heyadaha kale.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".