Mona Sahlin iyo Fredrik Reinfeldt oo wada xaajoodey. Foto: Claudio Bresciani/Scanpix.
Reinfeldt och Sahlin i samtal

Kulan Dhexmarey Sahlin iyo Reinfeldt

Madaxa dawladda Iswiidhen Fredrik Reinfeldt, ayaa maanta kulan la qaatay hogaamiyaha xisbiga Sooshiyaaldimoqoraadiga Mona Sahlin. Sida uu qoray war ka soo baxay idaacadda Ekot, ayaa kulankaasi ku saabsanaa wada-hadal la xiriira xaaladda hoowlaha baarlamanka.

Mona Sahlin ayuu Reinfeldt u caddeeyay inuu ku tala jiro siduu maamulka hoggaanka gacanta ugu sii hayn lahaa.

Sahlin ayaa sidoo kale sheegtay in loo baahan yahay in hoowlaha baarlamnka aqlabiyad lagu wado, islamarkaana garabkeeda Casaan-cagaarku ogolaansho siiyay xisbigga Doogga siduu dawladda ugu taageeri lahaa su’aalaha la xiriira magangelyada iyo soo galootiga.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".