Tareemmada dhulka hoostooda mara.
Tbane kaos

Tareemmada oo Istaagay Maanta

Aroornimadii maanta oo khamiis ah ayay bulshada Istockholm mar kale ku waabariisteen hakad muddo socday ee tareemada dhulka hoostooda mara iyadoona ay ugu wacnayd koronto la’aan.

Waddooyinka tareemmada ee buluugga iyo cagaarka ayey caqabadda ugu ballaarani la soo gudboonaadeen, iyadoona sida lagu soo warramayo ugu yaraan 100 kun oo ruux aaney ka gaarin xilligii looga baahnaa shaqadooda.

Xarun danab ee ku taala xarunta tareemmada ee xaafadda Liljeholmen ayaa ugu wacnayd caqabadda tareemmada dhulka hoostooda mara ee saaka la soo gudboonaatay bulshada ku dhaqan magaalada Istockholm. Shalayto oo arbaca ahayd ayaa sidoo kale dhabbada tareemmada ee casaanka ay la soo gudboonaatay xaalad middaa oo kale ah.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".