"Cabsi dalku ka qabo in fal argagixisnimo lagula kaco".
Terrorhot

Cabsi laga qabo fal argagixisnimo

Taliyaha ciidanka ammaanka ee Iswiidhen Anders Danielsson ayaa maanta go’aamiyay in darajo kor loo qaado feejignaanta ammaanka dalka halkii ay ka ayahd mid hooseeysa lana gaarsiiyo heer ka sarreeya, maadaama ey jiraan khatarro dalka looga cabsi qabo, iyadoona la gaarsiiyay heerka labaad halkii ay ka ahayd heerka koowaad ee heerarka shanta ee lagu qiyaaso ammaanka.

Go’aankan ayaa la gaaray bartamihii bishii septeembar, iyadoona middaa markiiba lagu war-geliyay dawladda, sida uu sheegay Anders Danielsson.

Waxaa middaa aas-aas u ah in wax kor looga qaadey ammaanka goobo ka mid ah dalka, sida uu idaacadda P1 u sheegay Patrik Peter madxa laanta wararka ee hayadda maanka Säpo.

- Go’aankan waxaan ku gaarnay oo u sabab ahaa maadaama aannu helnay warar hoose ee sheegaya in lagu talo jiro in wax-yeeleeyo argagixisnimo dalkan Iswiidhen loogu geeysto.

War-bixintaa ayaa loo fahmi karaa iney yihiin kuwo daciif ah oo aan meel loo raaco aanay jirin, hase yeeshee aan ku hoowl-jirno sidii aan xaqiiqda u ogaan lahayn. Waxaa sidoo kale muhiimad leh in aan ogaanno in caqabadaha aan ka cabsida qabno aanay ahayn kuwo dhowaantan la filayo, waana markii ugu horreeysay ee darajada ammaanka ee dalkan kor loo qaado, sida uu sheegay Patrick Petter, madaxa laanta wararka ee hayadda ammaanka SÄPO.

                                                                      Kenadid.Mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".