Talmansvalet

Doorashada afhayeenka baarlamaanka

Baarlamaanka dalkaan Iswiidhan oo si rasmi ah u furmaya maalin barrito oo talaada ah ayaa waxaa maanta laga dhex dooranayaa afhayeenka cusub ee baarlamaanka iyo saddexdiisa ku xigeen.

Xisbiyada mucaaradka ee casaan/cagaar ayaa dhankooda ka sharaxay qof la tartama afhayeenka baarlamaanka ee imminka jagadaas haya Per Westerberg oo isagu xubin ka ah xisbiga Moodaraadka.

Xisbiyada mucaaradka ayaa sharaxay Kent Härstedt oo ka tirsan xisbiga Sooshal-dimoquraadiga ,isla markaana xubin ka ah gole hoosaadka baarlamaanka u qaabilsan arrimaha dibadda.

Musharaxaan ayey soo gudbiyeen xisbiyada casaan/cagaarku ka dib markii ninkii ay jagadaas markii hore u sharaxeen oo ahaa Björn Von Sydow uu ka laabtey in uu isu soo taago jagadaas maadaama uusan rabin in xisbiga xagjirka ah ee Sverigedemoquraadigu wax raad ah ku yeesho doorashadiisa.

Arrintaan ayaa timid ka dib markii xisbiga xagjirka ah ee Sverigedemoquraati-gu noqdey dheelitiraha codadka baarlamaanka maadaama xisbiyada labada garab ee dalkaan uusan midkoodna aqlabiyad buuxda ku heeysan baarlamaanka cusub ee dalkaani dhawaantaan doortey.

Xisbiga xagjirka ah ee Sverigedemoquraati-ga ayaa sheegey in ay codadkooda ku taageerayaan ciddii taageersan in jagada afhayeenka labaad ee baarlamaanka loo magacaabo hogaamiyihii hore ee xisbigaas xagjirka ah Mikael Jansson.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".