Andre Geim iyo Konstantin Novoselov. Foto: Manchester University, Sciencewatch.com.
Fysikpriset till två

Laba nin oo heley nobelka fisikiska

Biladda Nobel-ka ee fisikiska ayaa waxaa sanadkaa ku guuleeystey laba nin oo kala ah Andre Geim iyo Konstantin Novoselov oo labaduba heeysta dhalashada dalka boqortooyada Britain.

Labadaan nin ayaa biladaan ku muteeystey baaritaankooda la xiriira nooca ugu yar ee dhuxusha ee bu'da islamarkaasna aad u xoog badan ,waana cilmi cusub oo hadda la ogaadey .

Walaxdaan cusub ee Grafen-ka ayaa mustaqbalka la filayaa in ay door weeyn ka ciyaarto cilmiga elektaroonikada iwm.

Andre Geim oo 51 jir ah iyo Konstantin Novoselov oo 36 jir ah ayaa labaduba barayaal sare ka ah jaamacadda Manchester ee carriga Britain.

Labadaan nin ayaa markoodii hore wax ku soo bartey,shaqadana ka soo bilaabey dalka Ruushka.

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".