In January, pro-democracy protesters in Hong Kong held a candle light vigil as they support recently jailed mainland dissident Liu Xiaobo in Hong Kong.
Liu Xiaobo får Nobels fredspris

Biladda Nobeelka ee Nabadda

Biladda Nobeelka nabadda ee sannadka 2010 oo maanta looga dhawaaqay magaalada Oslo ee caasimadda dalka Noorweey ayaa la sheegay inuu ku guuleeystay muwaadinka shiineeska ee dhaleeceeya nidaamka dalkiisa Liu Xiaobo. Liu ayaanay ahayn markii ugu horreeysay ee uu magaciisu ka muuqday tartanka biladda Nobeelka.

Torbjörn Jagland oo soo bandhigay cidda ku guuleeysatay biladda Nobeelka nabadda ee sannadkan:

- Subax wanaagsan mudaneyaal iyo marwooyin. Guddiga nobeelka ee dalka Noorweey ayaa go’aan ku gaaray in biladda Nobeelka nabadda sannadka 2010 la guddoonsiiyo Li uu Jiyaawbo (Liu Xiaobo), middaasina uu ku muteeystay halganka dheer ee aan dagaalka lahayn ee uu u soo galay xuquuqda aadanaha ee dalka Shiinaha. Guddiga Nobeelka ee Noorweey ayaa qaba in ey xiriir wadaagaan oo aaney meel kala jirin xuquuqda aadanaha iyo nabaddu.

Jiyaawbo ayaa dhammaadkii sannadkii ina dhaafay dacwad lagu soo oogay lagu xukumay 11 sannadood, isagoona lagu soo oogay inuu maanifeesto ka dhan ah ku qoray hogaanka Charter 8.

Li u Jiyaawbo, ahna caalin, qoraa 54 jir wuxuu waayo-aragnimo ballaaran u leeyahay ciqaabaha xabsiyada isagoona sidoo kale xabsiga loo taxaabay sannadkii 1989 oo uu ka qeeyb qaatay bannaan-bixii Barxadda nabadda ee caasimadda Shiinaha.

In loo magacaabo abaal-marinta biladdan ayay doowladda shiinuhu horay uga digtay, iyadoona sida la sheegay ay xiriir la soo sameeysay gudiiga abaalmarinta Nobeelka ugana digtay in falkani dhibaateeyn karo xiriirka labada dal ee Noorweey iyo Shiinaha.

                                                               Kenadid.Mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".