Thomas Bodström oo jagadii laga xayuubiyay
Thomas Bodström petas ur justitieutskottet

Guddihoosaadyada Baarlamanka

Peter Eriksson kana mid ah labada hogaamiye ee xisbiga Doogga Miljöpartiet ayaa loo magacaabay guddoomiyaha guddi-hoosaadka baarlamanka ee dastuurka. Waana jago uu horay u hayay xisbiga Sooshiyaaldimoqoraadigu.

Afartii sannadood ee la soo dhaafay ayey hoowshaa haysay Berit Andnor, ahna xubin ka tirsan xisbiga Sooshiyaaldimoqoraadiga, iyadoona wadahadalka baarlamanka ka socda jagadaa lagu wareejiyay xisbiga Doogga.

Sida caadadu ahayd waxaa jagadaa mar walba loo dhiibaa xisbiyada mucaaradka oo hoowsheeduna tahay sidii isha loogu hayn lahaa hoowlaha xubnaha dawladda.

Labada hogaamiye ee xisbiga Doogga Peter Eriksson och Maria Wetterstrand ayaa jagada ka degi doona maadaama aannu xeer hoosaadka xisbigu u ogolaanayn in mar kale dib loogu soo doorto.

Thomas Bodström oo jagadii laga casilay

Sidoo kale wasiirkii hore ee cadaaladda Thomas Bodström, ahna xubin ka tirsan xisbiga Sooshiyaaldimoqoraadiga ayaa laga xayuubiyay gudoomiyenimadii guddi-hoosaadka baarlamanka ee shuruucda isagoona loo dhiibay Morgan Johansson, horeyna ugu hayay jagada wasiirka caafimaadka ee xisbiga Sooshiyaaldimoqoraadiga waagii uu talada xisbigaasi hayay.

Waa go’aamo ey xubnaha xisbiga S uga jira baarlamanka gaari doonaan haseyeeshee ay xaqiijisay Mona Sahlin, hogaamiyaha xisbiga Sooshiyaaldimoqoraadigu.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".