Nin maxkamad lagu soo taagayo in uu wiilal si sharci darro ah ku gudey Foto: Leif R Jansson/Scanpix
Olaglig omkärelse

Gudniin sharci darro ah

Markii ugu horeeysey ayaa dalkaan Iswiidhan waxaa danbi lagu soo oogey nin lagu eedeeyey in uu si sharci darro ah ilmo u gudey.

Xeer ilaaliyaha maxkamadda Södertörn ayaa danbigaan ku soo oogey nin loo heeysto in uu gudey sagaal ilmood isagoo aan wax ogolaasha ah arrintaas u heeysan.

Ninkaan ayaa aad u isticmaaley faasho taas oo dhaawac u geeysatey xubnaha taranka ee qaar ka mid ah wiilashaas uu gudey.

Sidoo kale mararka qaarkood ayeysan ku filneeyn kabuubyadii uu caruurtaas ku durey taas oo xanuun badan u keentey,sida lagu qorey wargeeyska lagu magacaabo Dagens medicin.

Maxkamadda ninkaan danbiga loo heeysto ayaa dhici doonta bisha november ee soo socota.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".