Qoraalka miisaaniyadda sannadka.Foto: Paloma Vangpreecha / P3 Nyheter
Budgetdebatt i riksdagen

Doodda Miisaaniyadda

Af-hayeenka dhaqaalaha ee xisbiga Sooshiyaaldimoqoraadiga Tomas Östros ayaa soo dhoweeyay kor u kaca dhaqaale ee sannadka, inkastoo ay haddana u muuqdaan sida uu sheegay xaalado wel-wel leh:

- Kuwaa waxaa ka mid ah marka laga hadlayo xaaladda hoowlaha degmooyinka.

Sannadkii hore ayey hoos u dhaceen shaqaalaha ka hoowl-gala goobaha wax-barashada iyo daryeelka waana mid halkeedii ka sii socon doonta sannadkanna. Sidoo kale waxaan u jeednaa in dawladdu aanay wax tallaabo ah ku talo jirin marka laga hadlayo dadyoowga ceeymiskii lumiyey, dhanka ceeymiska iyo ceeymiska shaqa la’aantuba, waana nasiib darro in aan laga faa’iideeysan kor u kaca dhaqaale iyo sidii loo adkayn lahaa nidaamka ceeymiska, sida uu sheegay Tomas Östros, af-hayeenka dhaqaalaha ee xisbiga Sooshiyaaldimoqoraadigu.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".