Xisbiga V oo kursi yeeshay markii ugu horeeysay.
V i utrikesnämnden

Guddi hoosaadka arrimmaha dibadda

Xisbiga Bidixda ee Vänster ayaa markii ugu horeeysay xubin ku yeeshay guddi-hoosaadka baarlamanka ee arrimmaha dibadda, halkaasina oo hogaamiyahooda Lars Ohly uu kursi ku yeeshay kuraasta xubnaha guddiga.

Falkan ayaa ka dambeeyay go’aan ey xisbiyada Garabka Casaan-cagaarku si wada-jir ah u gaareen iyo sidey ku qeeybsan lahaayeen kuraasta guddi-hoosaadyada.

Guddi-hoosaadka arrimmaha dibadda ayuu hogaamiyaa  boqorka dalku wuxuuna ka kooban yahay sagaal xubnood.

Dawladda ayuu saaran yahay waajib inay guddiga la socod-siiyaan xaaladda siyaasadda arrimmaha dibadda ee dalka muhiimadda u leh.

Guddiga ayaa sidoo kale xisbiyada mucaaradka lagula socodsiiyaa xaaladdu sida ay tahay eyna saameeyn ku yeelan karaa.

                                                                Kenadid.Mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".