Wasiirka miisaaniyadda Anders Borg iyo miisaaniyadda 2011-ka . Foto: Fredrik Sandberg / Scanpix
Budget kommentar

Mucaaradka iyo miisaaniyadda

Xisbiyada mucaaradka ee casaan/cagaar iyo xisbiga xagjirka ah ee Sverigedemoqoraati-ga ayaa canbaareeyey miisaaniyadda ay dawladdu soo bandhigtey ,sheegeyna in aysan jirin talaabooyin ay dawladdu ka qaadeeyso dadkii caymiska dibadda uga dhacay .

Afhayeenka xisbiga Sooshal demoqoraadiga u qaabilsan arrimaha dhaqaalaha Tomas Östros ayaa sheegey in dawladdu aysan heeyn talaabooyin ay wax uga qabaneeyso shaqa la'aanta.

Sidoo kale afhayeenka xisbiga cagaaran ee Miljöparti-ga Mikaela Valtersson ayaa sheegtey in siyaasadda shaqada ee dawladdu ay raad xun uga tageeyso dad bani'aadan ah,sidoo kalana aysan miisaaniyaddaani maalgalin ku filan ugu talagalin arrimaha deegaanka.

Dhaleeceeynta ku saabsan in dawladdu ka gaabisey wax ka qabadka deegaanka ayaa sidoo kale ka timid ururka difaaca arrimaha deegaanka ee loo yaqaano "Naturskyddsföreningen".

Wuxuuna ururkaasi ku sheegey warsaxaafadeed uu soo saarey in miisaaniyadda sanadka soo socda ee loogu talagaley dhawridda deegaanka,ay dawladdu  ka dhintey lacag dhan hal milyaarder oo karoon.

Afhayeenka arrimaha dhaqaalaha u qaabilsan xisbiga xagjirka ah ee Sverigedemoqoraadi-ga Jonny Skallin ayaa ku doodey in la yareeyo soogalootiga dalkaan soo galaya si buu yiri dhaqaalaha dalkaani cagihiisa isugu taago,wuxuu sidoo kale  canbaareeyey dhimitaanka ay dawladdu dhintey lacagaha caymiska shaqada ee A-kasada iyo qidmadda laga dhimo mushaarooyinka ee loo yaqaano "jobbsskatteavdragen".

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".