Askar Iswiidhish ah oo ku dhaawacantey dalka Afgaanistaan.
Skadade Svenskar

Askar dhaawacoodu halis yahay

Laba askari oo Iswiidhish ah ayaa maalintii shaley dhaawac culusi soo gaarey ka dib markii dagaal culusi ku qabsadey meel ka baxsan magaalada Mazar-i-Sharif ee woqooyiga dalka Afgaanistaan,xilli ciidamada Iswiidhishka iyo kuwa dalka Finland ay hawlo roonda ah goobtaas ku marayeen.

Dagaalkaas ayaa ku soo beegmey xilli ay ciidamada Iswiidhishka ee dalkaas ku sugani u barooranayeen askri ciidamadooda ka tirsanaa , laguna magacaabi jirey  Kenneth Wallin oo dhawaantaan lagu diley dalka Afgaanistaan.

Sanadkii ugu danbeeyey ayaa waxaa siyaadey weerarada lagu hayo ciidamada dalkaan Iswiidhan ka jooga dalka Afgaanistaan,goobta ay joogaan ayaa horey u aheeyd meelaha ugu dagan dalka Afgaanistaan,hadase ay weeraro iyo qaraxyo ka dhacaan maalin walba.

Wasiirka gaashaandhigga dalkaan Iswiidhan Sten Tolgfors ayaa sheegey in uu jiro xiriir ka dhexeeya in ay soo siyaadeen weerarada ciidamadooda loo geeysto iyo dooda uu baarlamaanku ka doodayo ee ku saabsan mustaqbalka ciidamada dalkaan ka jooga dalka Afgaanistaan.

Taliyaha ciidamada dalkaan Iswiidhan Sverker Göransson ayaa maanta baarlamaanka warbixin ka siinaya xaalka dalka Afgaanistaan.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".