Reinfeldt:reträtt nästa år inte möjlig

Reinfeldt iyo ciidamada Afgaanistaan

Raysal wasaare Fredrik Reinfeldt ayaa sheegey in aysan suurtagal aheeyn in dalkaani uu ciidamada ka jooga dalka Afgaanistaan ka soo qaato sanadka soo socda.

Raysal wasaare Reinfeldt ayaa sheegey in uu wadahadal ku saabsan ciidamada dalkaan ka jooga dalka Afgaanistaan uu maalinta khamiista la yeelan doono hogaamiyaha xisbiga Sooshademoqoraadiga Mona Sahlin.

Taliyaha ciidamada dalkaan Iswiidhan Sverker Göransson ayaa maanta warbixin ku saabsan xaaladda ay ku sugan yihiin ciidamada Iswiidhan ka jooga dalka Afgaanistaan,siiyey raysalwasaaraha dalkaan Iswiidhan iyo baarlamaanka labadaba.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade ljud i menyn under Min lista